Axmed Madoobe oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland+Sawirro

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta wasaaradda cadaaladda, garsooka iyo arrimaha diinta ka dhageystey warbixinta waxqabadka wasaarada ee sanadkan 2019.

Warbixintan sanadlaha oo dhamaan wasaarada Dowlad goboleedka Jubbaland kusoo bandhigayaan waxqabadkooda ayaa maanta lagu bilaabey wasaarada cadaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta taas oo ay kusoo bandhigeen wixii u qabsoomey sanadkan iyo caqabadaha jira ee loo baahanyahay in la xalliyo si loo hubiyo in adeega dowladu bulshada sidii loogu talagaley u gaarayo iyo inkale.

Wasaaradda ayaa ka warbixisay sida ay u daadajisay adeegyada loo wakishay ilaa degmo iyo deegaan, waxaana ay sheegtay inay ku guuleysatay dhismaha maxkamdo iyo adeeg garsoor oo buuxa.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Cadaaladda, Garsooka iyo Arrimaha Diinta oo ka hadlay Hiigsiga dhaw ayaa sheegay inay wax badan ka qaban doonaan Hannaanka baahinta iyo ka Warqabka adeega garsoorka.