Gaalkacyo: Taliyihii Sirdoonka Puntland ee Gobalka Mudug oo la dilay

Taliyihii Nabad Suggida iyo Sirdoonka Gobalka Mudug ee Dowladda Puntland Xaashi Aadan Cilmi, ayaa caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Dilka Taliyaha ayaa ka dhacay Aaga Jiiro Kuwait oo ku dhow Guriga Gobalka, waxaana dilkiisa ka dambeeyay Koox ku hubeysan Bistoolado oo aan la garanayay Heybtooda.

Ciidanka Booliska Gobalka Mudug ayaa gaaray Goobta uu dilku ka dhacay, waxaana haatan socda Howlgallo lagu baadi doonayo Kooxdii dilka Taliyaha ka dambeysay.

Taliyahaan la dilay ayaa  30-kii julay ee sanadkii 2016 madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas uu u magacaabay Taliyaha nabad sugida Gobolka Mudug.

Dilka Taliyihii Nabad Suggida iyo Sirdoonka Gobalka Mudug ee Puntland ayaa kusoo aadaya xilli Todobaadyadii ugu dambeeyay ay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka dhacayeen dilal qorsheysan oo lagu beegsanayo Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Dowladda.

Dhowaan ayayna aheyd Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Madaxii Kastamyada Gobalka Mudug ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Taliyihii Ciidanka Ilaalada Waddooyinka (Taraafikada) ee Gobalka Mudug.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News