VIDEO: Golaha Wasiirada Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2020-ka+Sawirro

Gollaha Wasiirada Dowladda Puntland oo kulan aan caadi ahayn ku yeeshay caawa Magaalada Garoowe, ayaa ansixiyay Miisaaniyada 2020-ka oo cadadkeedu dhan yahay USD 346,416,158.99 Milyan sanadkii, taas oo ay soo diyaarisay, sidoo kalena ay Golaha hor-geysay Wasaaradda Maaliyada Dawlada Puntland.

Kulanka oo uu Shir gudoominayey Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa sidoo kale fadhiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay warbixin ku saabsan Miisaaniyadan cusub.

Xasan Shire Abgaal oo ka hadlayay muhiimada Miisaaniyadan iyo waxa ay uga duwan tahay Miisaaniyadihii hore, ayaa tilmaamay in Miisaaniyadan lagu saleeyey baahiyaha asaasiga iyo sida ay u kala mudan yihiin, iyadoo lagu xisaabtamaayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaad dibadeed oo la heli karo.

Miisaaniyadda Dowladda ee 2020, ee caawa ansixiyeen Golaha Wasiiradda Puntland ayaa lagu wadaa in Berri la horgeeyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland si ay u ansixiyaan.

Miisaaniyada sanadkan ayaa si aad ah waxaa uga muuqday dhaqaale ay Dawlada Puntland u qoondaysay Horumarinta, sida Dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka Wadada Garowe-Laascaanood iyo Wadada Garowe -Bosaaso, sidoo kale waxaa kamid ah dhismayaasha Ceelal biyoodyo, Horumarinta Waxbarashada, Caafimaadka iyo kor u qaadista Amniga.