Goldogob: Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay Khamri laga keenay Itoobiya

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug kusoo bandhigtay Khamri farabadan iyo dadkii watay oo doonayay inay soo galiyaan Degaanada Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed, ayaa sheegay in Khamriga lagu soo bandhigay degmada Galdogob, uu gaarayay illaa 490 dhalo oo Khamri ah.

Sidoo kale, Taliye Jaamac ayaa tilmaamay in Khamrigan lagu soo raray laba gaari oo nooca raaxada ah, lagana keenay degmada Gallaaddi ee Dowlad degaanka Soomaalida, ayna Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ku qabteen kastamka Tuurdibi.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in saddex ruux oo la socday gaadiidka siday Khamrada la qabtay, isla markaana dhawaan la horgeyn doono Maxkamad.