Xil. Cosoble: Waxaa balansan inay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Hoggaanka Madasha Qaranka (WAREYSI)

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo katirsan Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay qorshaha lagu wada-hadal siinayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin inta badan Xisbiyada Mucaaradka Dowladda.

Xildhibaan Cosoble oo wareysi siinayay Tv-ga Somali Cable, ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo la soo xiriiray Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif, uuna ka dalbaday wada-hadal.

Mr. Cosoble ayaa tilmaamay in Sheekh Shariif uu si cad ugu sheegay in wixii wada-hadal ah ay dhex mari karaan xubnaha Madasha Xisbiyadda Qaranka iyo Madaxda Dowladda.

Wareysiga Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo dhameystiran.

Sidoo kale, Cosoble ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ergo ahaan u soo diray Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, la islana qaatay in la wada hadlo, inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka hadlo waqtiga rasmi ahaan ay dhaceyso wada hadalka.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa sheegay inay ka digtoon yihiin in kulanka ay wada yeelan doonaan Madaxda dalka iyo kuwa Madasha Xisbiyada Qaran uu ku koobnaado oo kaliya in sawir la wada galo oo Villa Somalia ku faafiso iney la shirtay Mucaaradka dowladda, balse ay doonayaan in qodobada taagan meel la saaro.