Baarlamaanka Puntland oo la hor-geeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka+VIDEO

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda ayaa la hor-geeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka oo gaareysa USD 346,416,158.99 Milyan.

Miisaaniyaddan oo xalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland oo kulan aan caadi aheyn yeeshay, ayaa waxaa Xildhibaanada ka hor-jeediyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, isagoona si faah-faahsan uga hadlay sababta keentay sara kaca xooga leh ee ku timid Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka.