Baarlamaanka Puntland oo maanta la hor-geynayo Miisaaniyadda 2020-ka

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda Garoowe, iyadoona looga hadli doono Ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaanada ayaa la filaya in maanta la hor-geeyo Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee 2020-ka, kaas oo xalayto ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland oo kulan aan caadi aheyn yeeshay xalay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda ayaa hor-dhigaya Baarlamaanka Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka oo gaareysa USD 346,416,158.99 Milyan, isagoona Golaha ka jeedin doona Khudbad la xariidha Miisaniyadda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa inay soo Akhriyaan Miisaaniyadda, intaas kaddibna ay u yeeraan Wasiirka Maaliyadda, si ay u weydiiyaan Su’aalaha ay ka qabaan Miisaaniyadda, ugu dambeyna codka ay u qaadaan.