Ciidamada Difaaca Puntland Oo mushahaarkii loo kordhiyay

Ciidamada difaaca Puntland waxaa loo kordhiyay mushahaarka Boqokiiba Boqol.

Askarigii horay uqaadan jiray mushahaar gaaraya 110-dolar waxuu qaadanayaa 220-dolar.

Waxaa xusid mudan in Ciidamada mar horeba loo bilaabay mushahaar kordhinta oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay qaadanayeen.

Sidoo kale waxaa uhakasho leh in aysan jirin hal Unug oo ka mid ah Ciidanka Difaaca Puntland oo aan mushahaar qaadan 10-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Xukuumada xiligan ka arimisa Puntland qodobada ay ku faani karto ayay ka mid yihiin kuwan.