DEG-DEG: Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda Sanaag

Dagaal u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa ka socda Degmada Hadaaftimo ee Gobalka Sanaag, waxaana la maqlaya dhawaqa rasaas xooggan iyo dhawaqa hubka culus.

Dadka Degaanka ayaa sheegaya in dagaalkani oo ah mid xooggan uu dhexeeyo Ciidanka labada dhinac kala taabacsan ayna, maqlayaan hugunka hubka culus.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo dagaalkan iyo waxa sababay, dadka degaanka ayaana sheegaya inay jirto cabsi ku aadan in dagaalku uu sii xoogeysto.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.