Khadar: Hadaad xil iyo xoolo aad dooneyso Xisbiga Dowladda Agjooga+VIDEO

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka hadlay Doorashada 2020-2021 iyo damaca Dowladda ee ku aadan Doorashada.

Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Dalka oo ka hadlayay daah-furka shirka Technology-yadda oo sanadkiiba mar la qabto, ayaa sheegaya in Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay qabsoomida Dooraashada, ayna diyaarisay Sharciyadii Doorashada.

Sidoo kale, Ra’iisulwasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dhowaan furaneyso Xisbigeedii, isagoona ugu baaqay dhalinyarada inay kusoo biiraan.

“Dowladda way ka go’an tahay qabsoomida Doorashada 2020-ka, waxayna ay soo wadaa Xisbigeedii weynaa, marka waxaan idin lee yahay xil dadad dooneyso xamaro Agjoog, xarago hadaa Doonee xamaro agjoog, xoolo hadad dooneyso xamaro agjoog, Xisbiga Dowladana Agjooga, Hana Moogaanina” ayuu Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Yarey), ayaa dhowaan sheegtay inay walaac ka qabaan qabsoomida Doorasho qof iyo cod ah inay dalka ka dhacdo 2020-ka, maadama Dowladdu illaa hada aysan furan Xisbi Siyaasadeedkeedii.