Madaxweynaha Masar oo ka hadlay Heshiis Madaxweynayaasha Soomaaliya & Kenya (Akhriso)

Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel fattah El-Sisi, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Diplomaasiyadeed ee ay dhowaan Magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Qoraal uu Madaxweyne El-Sisi, soo dhigay barta uu ku leeyahay Twetter-ka ayuu ku sheegay in uu muhiim yahay heshiiskaas, isla markaana uu Gobolka u horseedayo xasilooni, iskaashi iyo horumar.

“Waxaan muujinayaa in aan aad ugu faraxsanahay heshiiska ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixeen, kaas oo laysugu soo dhoweynayo xiriirkii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada Dowladood”ayuu yiri, Abdel Fattah El-Sisi.

Madaxweyne, El-Sisi, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay garab taagan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Dalka Masar C/fitax Al-Sisi ayaa bilo kahor ku kulan siiyay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, xillligaas oo la sheegay in is-faham dhexmaray Labada Madaxweyne.

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa khilaafkoodu salka ku hayaa Muranka Soohdinta Badda ee Labada Dalka, Kenya ayaana dooneysa in murankaas lagu xaliyo Wada-hadal dhex-mara Labada Dowladood, wallow Soomaaliya ay dooneyso in Maxkamad lagu kala baxo.

Balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa sheegtay in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya uu Heshiiskoodii Nairobi qeyb ka aheyd in Muranka Labada Dalka ee Biya-badeedka lagu dhameeyo si is-ogol ah, uu beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Amb. Axmed Cawad.