Puntland oo digniin u dirtay Ardayda wax ka barata Deegaanadeeda+Akhriso

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Bashiir Jaamac Maxamed, ayaa soo saaray war-qad ardayda loogu sheegayo in ay ilaali-yaan anshaxa ardaynimo.

Waraaqda oo loo diray Guddoomiyaasha Waxbarashada Gobalada iyo Degmooyinka Puntland iyo Maamulayaasha Iskuulada, ayaa lagu faray in la ilaaliyo Anshaxa ardayda waxka barta Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee Degaanada Puntland.

Waraaqda kasoo baxday Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Puntland ayaa si gaar ah loo faray Masuuliyiinta Waraaqdu ku socotay in si gaar ah loo ilaaliyo arrimaha ay kamid yihiin; Timaha oo aan qaab habooneyn loo jarto, Dharka oo qaab baal marsan Diinta loo xirto iyo Wax kasta oo ka hor imaanaya Diinta iyo Dhaqanka Suuban.