Somaliland: Booliska oo isku geedaamay xarumaha waa weyn ee Xisbiga WADANI+Sawirro

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa saaka gabi ahaanba isku geedaamay Xarumo waa weyn oo uu Magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo ku lee yahay Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Saqadhi uu bixiyey amarka ay Ciidanka Boolisku kula wareegeen Xarumaha Xisbiga WADANi ee Berbera iyo Ceerigaabo.

Talaabadan ayaa salka ku heysaa khilaafka xilligaan u dhaxeeya Madaxda Talada heysa ee Somaliland iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI, kaas oo todobaadkaan ka jira Magaalooyin katirsan Somaliland.

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ay shalay awood kula wareegay Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADANI uu ku leeyahay Magalada Hargeysa, halkaas oo qorshuhu ahaa in banaanbax nabadeed uu ka dhaco, hase ahaatee la baajiyey.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa dhawaan iclaamiyey isku soo baxyo ay dhigayaan taageerayaasha Xisbiga, balse Taliska Booliska Somaliland uu kasoo hor-jeestay.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News