Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo dacwad laga gudbiyay+XOG

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Wasiirka amniga XF Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow.

Xildhibaanadaan oo u badan kuwa dhowr jeer tagay Xafiiska Taliyaha islamarkaana waayay si loogu sharciyeeyo Ciidamo Ilaaliyo ayaa Wasiirka oo ku qaabilay Xafiiskiisa u sheegay in loo geestay xadgudubyo iyo hab dhaqan aan wanaagsaneen arintaasina aysan aqbali Karin, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in Xildhibaanadu ay Wasiirka u geeyeen cadeymo muujinaya xadgudubyo uu Taliyaha u geestay Xildhibaanada qaar, iyo in aysan heysan Ciidan ilaaliya, maadaama laga qaaday ciidankii Milateriga ee ilaalada u ahaa.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa xildhibaanada u sheegay in uu la kulmi doono Taliyaha Booliska, islamarkaana la xalin doono tabashooyinka Xildhibaanada si ay u helaan ciidan ilaaliya.

Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir iyo Xildhibaano kale ayaa dhawaan warbaahinta ka soo muuqday kuwaas oo sheegay in ay jir dileen ciidamo ilaalo u ah Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.