VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay wax ka badal lagu sameeyay Xeerar muhiim ah+Sawirro

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maanta ku yeeshay xaruntooda Garoowe, ayaa Dood ka yeeshay  wax ka badal lagu sameeyay Xeerar labo ah, kuwaas oo kala ah

1. Wax ka bedelka Xeerka Maalgashiga Dowlada Puntland.
2. Wax ka bedelka Xeerka Cashuuraha Dowlada Puntlnad.

Kulanka oo ay soo xaadireen 38 Xildhibaan ayaa dood kaddib, waxaa cod gacan taag ah ay 33 Mudane ku ansixiyeen xeerka wax kabadelka Canshuuraha, halka 4 mudane ay ka aamuseen, 1 mudane ahna uu diiday, sidaasna uu xeerkaani ku ansaxay.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa ansixiyey wax kabadelka Xeerka dhiirigelinta Maalgashiga Dowladda Puntland, waxaana kulan oo ay fadhiyeen 40 Xildhibaan cod gacan taag ah ku ansixiyey 33 mudane, waxaa ka aamusay 4 mudane, halka 3 Mudane ay diideen.

Dhanka kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa intii ay ku guda-jireen fadhigooda maanta la hor geegay Miisaaniyada Dowladda ee 2020-ka, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Abgaal ayaana Golaha ka hor Akhriyey warbixin la xiriirta Miisaaniyada, waxaana sidoo kale Golaha loo qaybiyey Buugga Miisaaniyadda si ay u soo Akhriyaan.