VIDEO: Wasaaradda Degaanka Puntland oo qeybisay 2000 oo Burjikooyinka dhuxusha tashiila+Sawirro

Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland ayaa Magaalada Garoowe ka qaybisey Burjikooyinka tashiila dhuxusha si loo yareeyo xaalufka Deegaanka.

Qeybinta Burjikooyinkan dhuxusha tashiila oo aheyd wajigii labaad ayaa si guud looga qeybiyay Gobalada Nugaal, Mudug, Sanaag, Sool iyo Bari, Burjikooyinkan la qeybiyay ayaana tiradoodu ay gaareysaa 2000 kun oo Burjiko.

Agaasimaha Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland Cabdi Ciise Cilmi koor, oo sharaxay qeybinta Burjikooyinkan dhuxusha tashiila, ayaa sheegay inay yihiin Wajigii labaad, isagoona sheegay in Wajigii kowaad lagu qeybiyay illaa 7000 oo burjiko.

Agaasimaha Wasaaradda Degaannada Puntland ayaa xusay in Burjikooyinka maanta laga qeybiyay Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo, Xiingalool, Buraan iyo Boocame, isagoona sheegay in qiimeyn ay sameysay Wasaaraddu ay ku ogaatay inay wax badan ka badaleen Isticmaalka Dhuxusha oo ay yareysay.

Ugu dambeyntii, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada ahna kusimaha Wasiirka Marwo. Faaisa Cali ismaaciil oo Burjikooyinkan ku wareejisay gudoomiyeyaasha xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe, ayaa sheegtay inay rajaynayso in burjikooyinkani ay qayb-wayn ka qaataan tashiilada isticmaalka dhuxusha si loo yareeyo baahida loo qabo dhuxusha iyo in bulshadu ay hoos u dhigto am aka kaaftoonto dhaqaalaha faraha badan ee lagu baxsho dhuxusha iyo Xaabada.

Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland  ayaa u bilowday bixinta Burjikooyinkan dhuxusha tashiila si ay u fuliso siyaasada dawlada Puntland oo ah in si aad ah hoos loogu dhigo isticmaalka dhuxusha si mustaqbalka dhow guud ahaanba Puntland ay uga kaaftoonto isticmaalka dhuxusha.