Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo la kulmay Madax ka socotay Hay’adda UNHCR+Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madax ka socotay Hayádda UNHCR.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka Puntland Maxamed Dhabancad ayaa Madaxda Hayádda UNHCR uga mahadceliyey booqashadooda, waxaana uu warbixin uu ka siiyey halka ay marayaan howlaha shaqa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Arrimaha bani’aadanimo ee ay ka wadaan Degaanada Puntland.

Madaxda ka socotay Hay’adda UNHCR ayaa bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxaana ay balanqaadeen inay xoojinayaan wada-shaqeynta iyo Taageerada Puntland.

Kulanka uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland uu la qaatay Masuuliyiinta ka socotay Hay’adda UNHCR, waxaa ku wehlinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba.