Xubno ka socda Villa Somalia iyo Madasha Xisbiyadda Qaran oo shiray

Xubno katirsan Dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho, kulankan ayaana loogu gogol xaarayay shirka la filayo in maalinta Arbacada Muqdisho ku yeeshaan Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka Labada dhinac ayaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Dowladda Federaalka, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobo kale, sida ay sheegayaan Ilo xog-ogaal ah.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in kulanka lagu go’aamiyey ajandayaasha shirka Arbacada ay yeelanayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka ayaa waxaa Madasha Xisbiyada Qaran Xubnaha matalayay kamid ahaa  Xoghayaha Guud ee Madasha  Xildhibaan Axmed Fiqi, halka dowladda uu ka socday Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo hormuud u ah wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyada,isla markaana sababteeda lahaa.

Kulanka dhex-maray Xubno kamid ah Madasha Xisbiyada Qaran iyo Wakiilo ka socday Dowladda Federaalka ayaa u muuqda mid la isku soo dhawaanayo,kadib wixii ka dambeeyey khilaafkii xooganaa ee soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka iyo Madaxda Xisbiyada oo ka carooday Guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud oo ay sheegeen in la qash qashaaday xilli ay ku wajahnaayeen Magaalada Baladweyne.