Amnesty: 106 qof oo dibad-baxayaal ah ayaa lagu dilay Iran

Haya’dda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Iran ay dileen ugu yaraan 106 qof, oo qeyb ka ahaa dibad-baxyo ka socday dalkaas tan iyo jimcihii tagay oo ka dhan ah dowladda.

Tiradaaas ayaa afar jeer ka badan dadkii ku dhintay dibad-baxyo kale oo xooggan oo dalkaas ka dhacay laba sano ka hor.

Cilmi-baaraha Amnesty ee dalka Iran, Raha Bahreini ayaa u sheegtay laanta Persian-ka ee VOA in Amnesty ay go’aamisay tirada dhimashadaas ayada oo soo xiganeysa goobjoogeyaal.

VOA Persian ayaa si madax banaan u xaqiijisay in ciidamada Iran ay dileen toddoba dibad-baxayaal ah, sabtidi.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in dibad-baxyada lagu dilay dhowr qof, oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Dibad-baxyada oo billowday Jimcihii ayaa kusii fidaya dhowr magaalo oo dalkaas ka mid ah.

Dowladda Iran ma aysan sii deyn warbixin rasmi ah oo ku saabsan tirada dadka ku dhintay kuwa ku dhaawcamay dibad-baxyada, iyo sidoo kale tirada dadka la xiray.