Cumar Filish oo amar culus dul-dhigay Dadka degan dhulkii Kooxda Minishibiiyada+VIDEO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in laga baxo dhulkii ay laheyd Kooxda Minishibiiyada ay ku laheyd degmada Warta Nabadda.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa shalay kormeer ku tagay garoonka kubadda cagta ee Naadiga Muqdisho City Club ee dowladda Hoose, waxaana ujeedka kormeerkiisa ahaa mid dhiira gelin ah iyo sida ay ciyaartoyda ugu diyaar garoobayaan tartamo kubadda cagta ah oo ka dhacaya Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa amar ku bixiyay inta ka dhiman bishan November looga baxo dhulkii Munishiibiyada ay laheyd, waxaana uu tilmaamay inay rajeynayaan in illaa 1-da bishan December looga baxo dhulkaas.

“Meelo dad u dhisan ayaa jirta oo naloo sheegay oo ah Garoonkii Basketball-ka iyo Baarkii Minishiibiyada, waxaa u qabaneynaa dadka degan inay nagu soo wareejiyaan illaa 1-da bisha December ee soo socota, waxaa rajeynayaa mar haddii mulkiyada nala sheeganeyn inay nagu daahin, waa u mahadcelineynaa nagama heysan waa noo hayeen”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Amarkan ka soo baxay Guddoomiye Cumar Filish ayaa noqonaya kii u horeeyay oo uu soo saaro oo ku aadan dhulka danta guud oo sida sharci darada ah loo degan yahay.