Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii Hore oo soo gaba-gaboobay

Kulankii u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ayaa goor dhoweyd soo gabagaboobay, waxaa kulanka oo qaatay in ka badan saddex saacadood ayaa looga hadlay arrimo badan oo xaalada siyaasadeed oo dalka ku saabsan, iyadoo dood adag dhex martay labada dhinac.

Shir saxaafadeed lagu faah faahin doono kulanka ayaa ka filayaa inay qabtaan Madasha Xisbiyada Qaran, kaddib salaada maqrib ee xilliga Muqdisho, iyadoo Wariyeyaasha ay ku sugan yihii xarunta Madasha Xisbiyada.

Wixii kasoo baxa kala soco Idil News.