Madaxweynaha Puntland oo fuliyay Dalab uga yimid dhowaan Dowladda UK+Akhriso

Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan sabtidii lasoo dhaafay oo aheyd 16-kii bishan dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda UK ee arrimaha Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe.

Kulankan oo ahaa mid Albaabadu u xiran yihiin kana dhacay Qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe ayaa la sheegay in si gaar ah diirada loogu saaray Khilaafka cakiran ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, sida ay inoo sheegeen Ilo xog-ogaal ah.

Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK ayaa la sheegay inay isla qireen inay muhiim tahay in Puntland ay ciyaarto doorkeeda ku aadan xalinta Khilaafka kala dhexeeya Federaalka, iyada iyo Jubbaland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Dowladda UK Mr. Ben Fender Obe ayaa kulankooda ku go’aamiyay inay muhiin tahay in doorashada Soomaaliya ay waqtigeeda ugu qabsoomi lahayd.

Dhanka kale, Safiirka Dowladda UK Mr. Ben Fender Obe ayaa ka codsaday Madaxweynaha Dowladda Puntland inuu qaboojiyo Xiisadihii ka taagnaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, taas oo aheyd gadood ay sameeyeen Ciidamo katirsan Daraawiishta, taas oo lasoo afjaray maalmo kahor.