Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Muqdisho & Ujeedada Safarkiisa

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu u amba-baxo maalmaha food inagu soo hayo Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka.

Ujeedada safarka Madaxweyne Deni ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay inuu kulan wadajir ah la yeesho Safiirada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin Doorashooyinka Dalka ee 2020-ka iyo deeqaha caalamku uu siiyo Soomaaliya oo Puntland aysan waxba ka helin.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho kulan la qaadan doona Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo sanadihii ugu dambeeyay uu khilaaf kala dhexeeyay Puntland, iyadoona uu xigi doono kulan saddex geesood ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka, Puntland iyo Beesha Caalamka.

Safiirada Beesha Caalamka oo bilihii ugu dambeeyay si isdaba-joog ah ugu soo qulqulayay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, lana kulmay Madaxweyne Deni ayaa ka dalbaday in Puntland ay muujiso doorkeedii shariifka ahaa ee arrimaha Soomaaliya, maadama wadanku uu galayo kala guur iyo Doorasho.

Madaxweynaha Puntland iyo Safiirada Beesha Caalamka ee ku kulmay Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa isla qiray inay muhiim tahay in si dhaqsale loo cadeeyo nooca doorashada Soomaaliya ka dhacaysa 2020-ka, waxaana la isla gaaray in kulan saddex geesood ah uu ka dhaco Muqdisho.