Maxay ku heshiiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii Hore ?+VIDEO

Kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah Hoggaamiyaasha Madasha Xisbiyadda ayaa soo gabagaboobay salaadii Marqib ee Caawa.

Kulanka Labada dhinac oo qaatay in ka badan Saddex saacadood ayaa looga hadlay arrimo badan oo xaalada siyaasadeed ee dalka ku saabsan, iyadoo dood adag dhex martay labada dhinac.

Qodobada Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii Hore ay ka wada haldeen ayaa la isku afgartay, sida uu sheegay Madaxweynihii Hore ee Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

1. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka garaabay kana soo hoyday ficiladii foosha xumaa ee ay kula dhaqmeen Madaxweyneyaashii hore.

2. Waxaa la isla gartay doorashada hay’adaha dastuuriga ah oo dhan in ay xiligeedii ku dhacdo. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ka heshiiyaan modelka doorashada 2020 – 2021

3. Inla dhowro dastuurka, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

4. Ciidamada siyaasada in laga dhex saaro. Siyaasiintuna aysan amniga siyaasadeyn.

5. La dagaalanka Alshabaab in meel looga soo wada jeesto.

6. Qodobo kale oo laga wada hadlay lkn lagu balamay in marka la iskaga yimaado oo laga wada hadlo ayaa jira.