Maxkamadeynta Nin loo heysto weerarkii Koonfurta Gaalkacyo oo lasoo gaba-gabeeyay+VIDEO

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta soo geba-gabeysay dacwad loo heysto Nin lagu eedeeyey  weerar lagu qaaday 26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad lagu Magacaabi jiray Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Ninka Maxkamadeyntiisa la soo geba-gabeeyo oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Cali Maxamed ayaa xeer ilaalinta Maxkamadda ay hor keentay Afar markhaatiyaal ah, iyada oo  sheegtay in ay hayaan cadeymaha in uu weerarkaas ku lug lahaa,sidoo kalena uu qirtay.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa ugu dambeyn Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha lagu xukumo ciqaabta dambiga uu galay.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda ay kasoo saari doonaan.

26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 ayaa rag hubeysnaa oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab waxaa weerar qaraxyo ku bilaawday ay ku qaadeen Xarunta uu maamulaha ka ahaa wadaad Caan ka ahaa Magaalada gaalkacyo oo lagu Magacaabo jiray Sheekh Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare,waxaana weerarkaas ku dhintay ku dhawaad 20 qof oo ku sugnaa xarunta,isla markaana uu ku jiro Sheekh Cabduweli Cilmi Yare.