Muuddeey “Ma Aqbali karno in Diaspora Boorsooyin waa-weyn wata kaliya la shaqaaleysiiyo”+VIDEO

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim “Muudeey”, ayaa ka hadlay shaqo la,aanta heysata Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Wadanka iyo shaqaaleysiinta Diasporaha ka imaanaya Dalka Dibadiisa.

C/weli Muudeey oo hadal ka jeediniyay Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa tilmaamay in dhamaan Xafiisyada Dowladda ee ay ugu horeeyaan kuwa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha laga shaqaaleysiiyo oo kaliya Diaspora.

“Xafiis walba waxaa dhooban Diaspora boorsooyin wata lagasoo bilaabo kan madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha oo la leeyahay English bay yaqaanaane hala shaqaaleysiiyo aaway xuquuqda dadkii dalkaan dhibaatadu kula dhacday aqoon malahan miyaa iyagu,waxaas ma aqbali karno” Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim “Muudeey”