VIDEO: Shir looga hadlay Wax ka badal Sharciga Dowladaha Hoose ee Puntland oo furmay+Sawirro

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Garowe ku qabatay shir ku saabsan Wada-tashiga iyo Dib u eegista Sharciga Dowladaha Hoose ee Puntland.

Shirka oo socon doono muddo laba cisha ah, ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah Gudoomiyaasha heer Gobal iyo Heer Degmo, Wasiiro iyo Agaasmiyaal ka socday Wasaaraddaha Puntland, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, Madax ka socotay Bah-wadaagta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo ka hadlay furitaanka Shirka ayaa sharaxay muhiimadda Shirkan, isagoona sheegay in loo baahan yahay in inta uu socdo Shirka lagu falanqeeyo, isla markaana looga aragti dhiibto si hufan.

Ugu dambeyntii, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo Shirka furay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka go,antahay sidii wax looga badali lahaa sharciga Dowladaha Hoose ee Puntland (law Number-7), ayna dhawaan Wasaaraddu ay horgeyn doonto Labada Golle ee Dowladda.

Dowladdaha Hoose ee Degmooyinka Puntland ayaa ku dhaqma Sharciga Low Number-7, kaas oo lagu soo dhiso Golaha Degaanka Degmooyinka, Wasaaradda Arrimaha, Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaana wax ka badal ku sameysay xeerkan (law Number-7) waxaana la filayaa in dhawaan la horgeeyo labada Golle ee Dowladda Puntland.