Shirkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore oo furmay

Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxa ka socda kulan u dhaxeeya Xubno uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Somalia ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diidara lagu saarayaa Shan qodob  oo muhim ah,waxaana qodobadaasi soo bandhigay Xogayaha Guud Xisbiga UPD Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Hoos Ka Akhriso qodoboda looga hadlayo kulanka.

1: Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah.

2:  Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.

3:  Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan.

4:  Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka.

5:  In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareer marsanaa.

Kulanka u dhaxeeya Madaxweyne farmaajo iyo Madaxda Madasha xisbiyada ayaa yimid, kadib markii dhawaan uu kulan dhex-maray Xubno kamid ah Madasha iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin.