Wararkii ugu dambeeyay ee Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore

Kulan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ka tirsan Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa la filaya inuu goor-dhow ka bilowdo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Kulankan oo ah mid horay loo sii iclaamiyay sidoo kalena ku imaaday dalab ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid Qado oo duhurkii ka dhici doona Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo Madaxweyne Farmaajo ku soo dhoweyn doono Madaxweynayaashii ka horeeyay.

Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kulamada maanta looga hadlayo qodobo dhowr ah oo ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka, sida nooca doorashada 2020-ka iyo Raalli-gelin laga siiyo Xanibaadii la saaray Madaxweynayaashii Hore Safaradoodii         Magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne.

Sidoo kale, Labada dhinac ayaa kulankooda uga hadli doona dhismaha Maamulka Galmudug, arrinta maqaamka Gobolka Banaadir, waddooyinka xiran iyo sidii dowladda Federaalka u joojin laheyd xayiraada ay dowladdu saartay kulamada siyaasadeed iyo dhaq dhaqaaqa xoriyadda siyaasiyiinta.

Kulankan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa ah mid si weyn looga dareemay qabsoomidiisa Magaalada Muqdisho, waxaana 72 saac ee lasoo dhaafay Xarunta Villa Soomaaliya iyo Hoteelada Muqdisho ka socday kulamo looga arrinsanayo Shirkan, ayna si gaar gaar ah u lahaayeen Madaxda Dowladda Federaalka & Xubnaha Madasha Xisbiyadda Qaranka.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.