Xil. Xasan Yare “Ma dakadihii Itoobiya la siiyay ayaa Miisaaniyada lagu maal-gelinayaa”+VIDEO

Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2020-ka oo maanta la hor-geeyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen Labada Gole ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Xasan Yare ayaa sheegay in Miisaaniyadda uu ku jiro tuhun fara-badan oo ku aadan qaab loo qorsheeyay iyo halka lagu bixinayo, isagoona si gaar ah u xusay Lacag gaareysa 340-Milyan oo dollar, taas oo ugu jirta Odaraska Miisaaniyadda 2020-ka in lagu bixinayo Is-dhexgalka Geeska Africa.