Xildhibaanada Labada Aqalka ee BFS oo yeelanaya kulan wadajir ah & Dood

Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan fadhi wadajir ah oo ay uga doodayaan Miisaaniyadda sanadka 2020-ka.

Farriimo xalay loo diray Xildhibaanada labada Gole ayaa lagu wargaliyay kulankan, waxaana ka dhashay Dood ku aadan shirci ahaanshaha qabsoomida kulanka wadajirka ah ee Labada Gole ee Baarlamaanka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dood ka keeneen kulanka wadajirka ah, iyagoona tilmaamay inuu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana uu baalmarsan yahay Dastuurka KMG ah ee Dalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku dhaliilay Guddoonka Golaha inuu sharciga ku tumanayo, isla markaana kulanka wadajirka uu yahay mid aanu dastuurka qabin oo laga leeyahay dano kale.

Guddoonka labada Gole ayaa ku doodaya in waqtiga oo yar awgiis ay doonayaan in labada Gole wadajir uga doodaan Miisaaniyadda sanadka 2020-ka, si loo ansixiyo, isla markaana horaanta sanadka 2020-ka loo howlgeliyo Miisaaniyadda.

Heshiis is faham ah oo horay u dhex maray Guddoonka Labada Gole ayaa dhigayay in Miisaaniyadda ay wax ka ansixiyaan Golaha Aqalka Sare, iyadoo la xusuusto in khilaafkii ka dhex bilowday labada Gole uu sabab u ahaa ansixintii Miisaaniyadda sanadkan gaba-gabada ah ee 2019-ka oo markii Golaha Shacabka ansixiyay aan loo gudbin Aqalka sare, sidaasna uu ku saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.