Booliska Soomaaliyeed oo billaabay baarista dilkii Elmaas Elman+VIDEO

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa War kasoo saaray dilkii shalay gudaha Xerada Xalane oo saldhig u ah Dublamaasiyiinta Reer galbeedka ee ku sugan Soomaaliya loogu geystay Elmaas Elman oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad ee Safaarada Soomaaliya ee Kenya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya gaar ahaan laanta Dambi baarista ee CID-da laga  furay Gal-dacwadeed ku saabsan dilkaas,isla markaana ay bilaabeen baaritaanka sida dilka uu u dhacay iyo dadkii ka dambeeyey.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in baaritaanka ay ka qeyb qaadanayaan Saraakiil Sar sare oo khibrad u leh dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

Ma jirto faah-faahin dhab ah oo laga hayo dilka Elmaas Elman, waxaa wararku sheegayaan inay inay u geeryootay dhaawac kasoo gaaray Rasaas lagu furay Gaari ay saarneed.

Almaas Elman Axmed oo ka tirsaneyd haatan Xafiiska xiriirka & Isgaarsiinta ee Midowga Yurub ayaa kamid aheyd Carruurta Elman Axmed oo caan ku ahaa ka Shaqeynta Nabada, kaas oo isna Muqdisho lagu dilay 1996-dii, waxaana ay walaalo ahaayeen gabadha Soomaaliyeed ee u tartamaysa billadda Nabadda ee Ilwaad Elman oo siweyn looga yaqaano Caalamka