Sheekh Soomow “Umal dartiis dad badan ayaa qabri ugu jira”+VIDEO

Shiikh Cabdulqaadir Shiikh Maxamed Shiikh Abuubakar (Sh. Soomow), oo ah Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hor imaaday muxaarado la sheegay inuu Berri Garoonka Eng. Yariisow ee Magaalada Muqdisho ku qaban doono Shiikh Umul oo dhawaan soo gaaray Magaalada.

Shiikh Soomow ayaa Shiikh Umul ku eedeeyey inuu sabab u yahay isaga fidnada iyo musiibada ka jirto dalka isla markaasna aan la aqbali karin inuu isaga qabto muxaarado ka hadleyso fidnada iyo sida looga hortagi karo musiibooyinka.

Shiikh Soomow ayaa Umul ku eedeyey inuu faafiyo Caqiido qaldan isla markaasna uu Culimada Ahlu-sunna ka aaminsan yahay inay yihiin Gaalo.