Baarlamaanka Puntland oo u yeeray Saddex Hay’adood+VIDEO

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda Magaalada Garoowe, ayaa dood ka yeeshay xaalada Wadada Ceel-daahir – Ceergaabo, oo ah Mashruuca ugu weyn ee si isku-tashi ah u dhisanayaan Shacabka Puntland.

Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 34 Mudane, ayaa qaar kamid ah Xildhibaanada oo fadhiga ka hadlay ay soo jeediyeen in loo yeero Hay’adaha ay quseyso Wadada, si wax looga weydiiyo halka ay mareyso Wadada Ceel-daahir – Ceergaabo iyo guud ahaan waddooyinka kale ee Dalka.

Ugu dambeyntii, Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa cod gacan taag ah iskula qaatay in loo yeero Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir Ilaa Ceerigaabo, Hay’adda dhismaha Wadooyinka Puntland ee PHA iyo Wasaaradda Howlaha Guud, kuwaas oo arbacada soo socota hor-tagaya Baarlamaanka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/rashiid Yuusuf Jibriil.