Beesha Caalamka oo aqoonsatay Doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe & Ujeedada Safarkiisa Nairobi+XOG

Beesha Caalamka ayaa aqoonsatay Doorashadii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), taas oo 22-dii bishii August ka dhacday Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in kulan ay xerada Xalane ku yeesheen Safiirada Beesha Caalamka Bartamihii bishan, ay isku waafaqeen in Doorashadii Kismaayo ay aheyd mid aan loo marin Hanaan daah-furan si lamid ah tii ka dhacday Magaalada Baydhabo Dabayaaqadii sanadkii hore.

Sidoo kale, Safiirada Dalalka Mareykanka, UK, Germany, Denmark, Sweden iyo Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga iyo Midowga Africa, ayaa sheegay in muhiim tahay in la fara-geliyo Khilaafka Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee Puntland iyo Jubbaland, si loo go’aamiyo inta uusan dhamaan sanadkan Nooca Doorasho ee Soomaaliya 2020-2021.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa saaka u amba-baxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo safiirada Beesha Caalamka, kuwaas oo ay ka wada-hadlayaan Xalinta Khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa inoo sheegay in Safiirada Beesha Caalamku ay waraaq u direen Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaas oo ay kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka kala dhexeeya Puntland iyo Jubbaland, iyagoona sidoo kale la wadaagay digniin ku aadan Doorashada Galmudug iyo dhaq-dhaqaaqa ka socda Gobalka Gedo.

Go,aanka Beesha Caalmaka ee ku aadan Doorashadii ka dhacday Jubbaland ayaa imaanaya, xilli bilihii ugu dambeeyay uu Madaxweynaha Puntland cadaadis ku saarayay Safiirada Caalamka ee Soomaaliya in Aqoonsiga Doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe iyo in go,aan laga gaaro nooca doorasho ee Soomaaliya inta uusan dhamaan sanadkan.

Jibriil Qoobey