Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgallo ka wada Buuraleyda Gobalka Bari+Sawirro

Ciidanka sida gaar ah u tababaran ee Dowladda Puntland (PSF), ayaa maanta hawlgallo ka dhan ah Kooxda Daacish ka sameeyay buuraleyda Degaanada Gol-cadaabeed iyo Moqor ee Buuraha Cal Miskaat ee Gobalka Bari.

Howl-galkan oo ahaa mid balaaran ayaa daba socday howlgallo maalmihii ugu dambeeyay ay Ciidanka PSF-ta Puntland ka wadeen Buuraleyda Gobalka Bari, kuwaas oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah, sida lagu sheegay qoraal lagu shaaciyay barta Ciidanka PSF Puntland.

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ee PSF ayaa sheegay inay sii xoojinayaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.