Madaxweyne Deni oo saxiixay fulinta xukunkii lagu riday Ragii dilay Caa’isho Ilyaas

Madaxweynaha Dowladda Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa saxiixay fulinta xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Saddex nin lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falkii Af-duubka, kufsigii iyo dilka ahaa ee loo geystay Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan, sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xubno ku dhow dhow Xafiiska Madaxweyne Deni oo codsaday in aan Magacooda la shaacin ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu saxiixay fulinta xukunka dilka ah ee Saddexda Xukumane dhowr Todobaad ka hor, iyadoona la filayo in Maxkamaddu fuliso todobaadyada soo socda, si loo soo Afjaro Kiiska.

Saddexda nin ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa lagu kala magacaabo Cabdi Fataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana xukunkooda si isku mid ah u riday Maxkamadaha Saddexda Darajo ee Puntland.

Kiiska Caa’isho Ilyaas Aadan, oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah oo fal isugu jiray Af-duub, Kufsi iyo Dil loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug bishii (Febaraayo-2019), ayaa gilgilay quluubta Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland, waxaana si dhow isha ugu hayay mudadii ay Doodiisu socotay Shacabka Puntland.