Nin isku qarxin rabay Munaasabadii Ahlu-sunna oo la xukumay+VIDEO

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay xukun ku riday Nin doonayey in uu isku qarxiyo Munaasabad ay Ahlusunna ku lahaayeen degmada Guriceel  ee Gobolka Galgaduud.

Ninkaan oo lagu Magacaabo  Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan ayaa waxa lala xukumay Nin kale oo lagu Magacaabo Cali dhubad Nuure Siyaad,waxaana labadaba lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan waxaa ay Eedeysay in la qabtay 23/5/2019,isaga oo xiran jaakada qaraxyada,isla markaana doonayey in uu isku qarixyo munaasabad ka socotay degmada  Guriceel  oo ay ku sugnaayeen Hoggaanka Ahlusunna ee ku biiray Galmudug.

Eedeysanaha labaad ee Cali dhubad Nuure Siyaad ayaa waxaa Maxkamadda ku eedeysan inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa sahminta,isla markaana uu sahmiyey Xaflada sidoo kalena uu Xaflada keenay eedeysanaya koobaad si uu isku qarxiyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugnaa degmada Guriceel ay Maxkamadeynta ka dhacday ayaa sheegay in lagu xukumay Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan & Cali dhubad Nuure Siyaad Xabsi daa’in.