Xaalad Go’doon ah oo soo wajahday Degaanada Gobalka Gardafuu+VIDEO

Roobab saacadihii ugu dambeeyay ka da’ayay Degaano katirsan Gobalka Gardafuu ayaa sababay inay xirmaan waddooyinkii gali jiray Degaanada Gobalkaas, waxaana uu haatan galay xaalad go’doon ah.

Wadada kaliya ee isku xiri-jirtay Gobolka Gardafuu iyo Gobolada kale oo la yiraahdo Lafagorayo, ayaa hadda gebi ahaanba xirantay, sida ay maanta warbaahinta u sheegeen Xildhibaano kamid ah Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo degaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Gardafuu, kuwaas oo warbixintiisa horgeeyay Kalfadhigii Golaha ee maanta.

Gudoomiyaha Gudiga Howlaha Guud Ee Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Xil Muuse Siciid Xasan ayaa ka warbixiyey Waxyeelada Roobabku ay Ugeysteen Wadooyinkii Galijiray Gobolka Gardafuu, waxa uuna ku Baaqay In loo Gurmado Shacabka Degaanada Gardafuu.

Gobolka Gardafuu  oo dhaca bariga fog ee dhulka xeebaha bari, ayaa ku yaala dhul taariikh fog leh oo ay ka buuxaan khayraad dabiici ah oo bad iyo berriba leh. Dowladda Puntland ayaa Gobalkan magacowday sanadkii 2013-kii.