Maxaa kasoo baxay kulankii dhex-maray dhowaan MW Farmaajo iyo Xisbiyadda ?+VIDEO

Ra’iisulwasaarihii Hore ee DKMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, haatana ah Hoggaamiyaha mid kamid ah Xisbiyadda ka dhisan Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulankii ay yeesheen dhowaan Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyadda aan saameynta laheyn.

Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay inay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ka dalbadeen inuu qabto Doorasho qof iyo cod ah, uuna ka aqbalay.