Xil. Fiqi oo shaaciyay qorshe uu ka damacsan yahay Doorashada 2020 Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ayaa ka hadlay doorashada 2020-ka gaar ahaan damac uu sheegay inuu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya oo doonaya inuu dib u soo laabto.

Fiqi ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu qaaday tallaabo kasta, iskuna dayey inuu bedalo qodobka 89-aad ee Dastuurka oo qeexaya nooca doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuuxu tilmaamay in Madaxweynuhu shiriyey xildhibaanno ka tirsan labada gole, si uu ugu qanciyo qorshiisa, balse uu ka waayey wax taageero ah.

Halkan hoose ka aqriso:

HALOO KALA DABQAADO MADAXWEYNAHA & QODOBKA 89-AAD EE DASTUURKA.

Qodobka 89aad, faqradiisa koowaad ee dastuurka dalka oo ka hadlaya Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee 🇸🇴 wuxuu u qoran yahey sidatan:

(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu muddadii saddexda sano aheyd ee uu talada hayey ka shaqaynayaa sidii asagoon waddo sharci ah u soo marin uu u bedeli lahaa qodobka 89-aad, xildhibanno waa shiriyey waqtiyo badan, hindise sharciyeedka doorashooyinka waa ku soo qortey, Guddoonka labada aqal ee barlamaanka waa qalqaaliyey, guddiga dib u eegista dastuurka wuu kala fariistey, wasiirkii hore ee dastuurka wuu kala hadley, ugu danbeynna xoogagga wadaniyiinta oo qura ayaa ku raacay.

Madaxweynuhu illaa iyo hadda wuxuu ku qanci la’yahey qodobkii dastuuriga ahaa ee uu ku yimid, haddii uu rabo in uu mar kale soo tartamamana in uu wadadaas raaco. Haddii madaxweyne Farmaajo uu ku qanci waayey dastuurka dalka isla markaana sidaas ay ka go’an tahey wadada kaliya oo u furan waa ku dhawaaqidda afgembi mileteri, dastuurka dalka oo uu laalo iyo golayaasha barlamaanka oo uu kala diro, subaxda xigtana xoogagga wadaniyiintu ay banaanbax taageero ah banaanka ugu soo baxaan ayagoo ku dhawaaqaya “Cimrigii Jiryow, Jiryow, Jiryow, Caynaanka Hay…. Hay….Hay…. Weligaa Hay, Hay , Hay. Hay”.

Dhar aad gadanayso ama tolanayso waad isku cabbiri kartaa sidaad jeceshahay laakin ma dhicin meel dastuur daleed uu hal qofi ku fakaro in uu isku jimeeyo, ka dibna damaciisa iyo hawadiisa le’ekaysiiyo. Madaxweynuhu waa inuu iimaansadaa dastuurka dalka weliba waajib ayey ku tahay inuu ilaaliyo waayo dhowrista dastuurka iyo shuruucda dalka ayuu horey ugu dhaartey.