Beesha caalamka Oo ka walaacsan khilaafka Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah

Iyadoo Soomaaliya ay ku sii siqeyso waqtiga la doonayo inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, ayaa waxaa soo xoogeysanaya walaaca laga qabo khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda Dhexe iyo caqabadda uu ku yahay horumarka siyaasadda Soomaaliya.

Dhawaan Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan ayaa warbixin uu u gudbiyay Golaha Amaanka waxaa dhinacayada ugu baaqay inay ka wada hadlaan khillafka.

Maantana, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaalada guud ee dalka, iyagoo uga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda horumarka, iyo wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka.