Golaha shacabka Oo ka doodaya nidaam cusub oo doorasho

Guddiga Golaha shacabka u saaray diyaarinta sharciga doorashada ayaa la yimid nidaam cusub oo doorasho ah, iyagoo meesha ka saaray nidaamka Metalaada isu dheeli tiran ee liiska xiran oo ahaa sharcigii doorashooyinka ee ay Xukuumadda soo gudbisay kuna bedelay Nidaamka Aqlabiyada badan.

Guddigu wuxuu si wada jir ah isugu raacay in nidaamka (modelka) doorashooyinka ee dalka ku habboon yahay. Nidaamka Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleyst.

Nidaamkan cusub ayaa laga hor akhriyay Golaha inkastoo aan laga doodin oo wali howshiisa ay socoto.

Halkan hoose ka akhriso