Madaxweyne Farmaajo Oo adis looga yeeray

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa warar hoose waxay sheegayaan in Rw itoobiya ugu yeeray Adis-ababa.

Maalin ka hor waxay Kenya martigalisay kulan dhexmaray hogaamiyaha cusub ee ONLF iyo Madaxweynaha Jubaland ,kulankaas ayay Dowlada Itoobiya ka muujisay dareen walaac xoog leh wata.

Uyeerida Farmaajo ee Adis ayay wararku tilmaamayaan in ay salka ku hayso arimaha Jubaland oo meel xasaasiya maraya.

Dowlada Itoobiya,ayaa Farmaajo ku garab siisay la dagaalnka maamulka Jubaland lamana oga in qorshahii hore ay wax ka badalayaan ama sii xoojinayaan.

Dhanka kale 28-ka bishan sida qorshuhu yahay waxaa dhici doona kulan madaxda urur Goboleedka IGAD ay ku yeelan doonaanaan Magaalo xeebeedka Kenya ee Mombasa.

Kenya,ayaa si rasmi ah ula wareegaysa hogaaminta Ururka Goboleedka IGAd.