Maxay ka wada-hadleen Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Safiirka Mareykanka ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto, ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana kulankooda ay uga wada-hadleen arrimo dhowr ah.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta twitter-ka ee Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen horumarka Soomaaliya ee dhinaca Nabadda iyo xasiloonida.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto ayaa sheegay inay muhiim tahay wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada taas oo horseedi karta soo nooleynta Soomaaliya oo awood leh.

Safaarada Mareykanka ee muqdisho, QM iyo Xubnaha daneeyayaasha Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa waxaa ay horay u sheegeen inay mudiim tahay wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada si looga wada qeyb qaato doorashada soo socota ee sanadka 2021 la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.