Sanaag: Maleeshiyaad ku dagaalamaya gurashada Dahab iyo Macdan

Xaalad deganaansho ah ayaa saaka laga dareemayaa Degaanka Waqdariya ee Gobolka Sanaag, kaas oo shalay ay ku dagaalameen Maleeshiyaad isku heystay Dahab iyo macdano kale oo laga qoto buurta.

Dagaalka ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Saddex Ruux oo labad dhinaca ah iyo dhaawaca tiro kale, waxaana wararka saaka nasoo gaaraya ay sheegayaan inay bilaawdeen waan waan lagu dhex-dhexaadinayo maleeshiyaadka dagaalamay.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Milateriga Somaliland ay gaareen degaanka ay maleeshiyaadka ay ku dagaalmaeen, sidoo kale waxaa gaaray degaankaas Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag, iyaga oo kala dhex-galay maleeshiyaadka dagaalamay.

Mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka degaanka Waqdariya ee Gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay wadaan kulamo ay la yeelanayaan Odayaasha Dhaqnaka ay kasoo kala jeedaan Maleeshiyaadka dagaalamay si xiisada loo joojiyo. Degaanka Waqdariya ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa sidaan oo kale horay ugu dagaalamay maleeshiyaad isku qabsaday dahabka iyo macdanka laga gurto Buuraha deeganaas, waxaana dagaalada ay yihiin kuwo soo lab laabtay