Sh.Shariif iyo xubno Xisbigiisa kamid ah OO gaaray Jabuti

Shiikh Shariif iyo xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga Himilo Qaran,ayaa gaaray jabuti.

Qasriga Madaxtooyada jabuti ayay kulan kula qaateen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee ka dhici doona sanadka 2021-ka.

Sidoo kale kulanka,ayaa waxaa qaby ka ahaa safiirka dalka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire .Aadan Xasan Aadan.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Muqdisho,ayaa waxa uu uga mahadceliyay Ismaaciil Cumar Geelle, soo dhawaynta iyo kulankii dhexmaray.

Ilaa iyo haad si rasmi ah looma oga ujeedka dhabta ah ee socdaalka Sh.Shariif ee Jabuti.