Madaxweyne Axmed Madoobe Oo la kulmay Safiirka Denmark

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Marwo Mette Knudsen oo ah Safiiradda Dowlada Denmark u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles .

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Safiiradda warbixin kooban kasiiyey xaalada guud ee Jubbaland, Doorashadii iyo Xaalada Siyaasadeed ee hadda dalku marayo.

Sidookale madaxweynaha ayaa safiiradda la wadaagey aragtida Jubbaland ee doorasahda 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorasho loo wada dhanyahay maangalna ah loo suuro galin karo, taas oo uu sheegay inay u baahantahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara DFS iyo Dowlad goboleedyada dalka.

Marwo Mette Knudsen ayaa sheegtay in danta Soomaaliya iyo tan beesha caalamkuba kujirto in wada shaqeyn rasmi ahi dhex marto Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada, si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo dalkana loo xoreeyo argagixisada, taas oo ay sheegtey in Madaxweyne Axmed uu u yahay udub dhexaad loona baahanyahay markasta aragtidiisa amni iyo tan siyaasadeedba.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyey Dowlada Denmark mashaariicda hormarineed ee ay ka wado Jubbaland oo uu ugu horreeyo mashruuca Kalluumeysiga oo ay hay’adda DRC waxbadan ka qabatey.