Xukuumada Fadaraalka oo olalaynaysa ansixinta qorshaha doorasho Ee Baarlamaanka horyaal

Madaxda Xukuumada Fadaraalka ah,ayaa abaabulay kulamo gaar-gaar ah oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraaliga ah ku yeelanayaan Muqdisho.

Kulamadan ayay Xukuumadu uga gol leedahay in ay taageero ugu hesho qorshaha Doorasho ee Baarlamaanka horyaala kaasoo hadii la ansixiyo ay u arkaan in uu fududaynayo dib usoo laabashadooda.

Xildhibaanada,ayaa beel-beel ushiraya soona saari doona war ay ku tasgeerayaan qorshaha Xukuumada.

Baarlamaanka Fadaraalka waxaa horyaala qorshe khatartiisa leh aadna Umadu udiidan tahay kaasoo ay Xukuumadu dabada ka riixayso.

Xukuumada waxay walwal xoog badan ka qabta in ay diidaan Xildhibaanada qorshaha doorasho ee ay wadato.