Doorashadii Gudoomiyaha IGAD Oo Kenya lagu karbaashay

Jab weyn,ayaa Kaga dhacay kenya doorashadii hogaaminta IGAD kadib khiyaanadii Abiye.

Kadib markay itoobiya hubsatay in loo ansixiyay xoghayaha IGAD,ayay soo abaabushay Sudan.

Itoobiya waxay olalaheeda ay Sudan kusoo kicisay say hogaanka udhaafiso Kenya garab uga heshay Somaliya iyo Jabuti.

Ra’isalwasaaraha Sudan,ayaa sidaa ku noqday hogaamiyaha IGAD,waxaana si buuxda codkooda usiiyay dalalka Itoobiya,Somaliya iyo Jabuti .

Halka Kenya ay ka heshay codka dalalka South Sudan iyo Uganda.

Isfahankii hore ee Kenya iyo Itoobiya,ayaa ku salaysnaa in Gudoomiyaha IGAD ay qabato Kenya,halka Xoghayahana loo qorsheeyay Itoobiya,balse waxaa muuqata in ay Itoobiya uga baxday balankii Kenya oo ku kaarta baxday.

Kenya jabka kasoo gaaray codbixintii hogaaminta IGAD waxay ku noqotay lama filaan iyo dharbaaxo siyaasadeed.

Sidoo kale Kenya waxaa soo wajahay walwal ku aadan Kursiga Golaha amaanka oo hada uu socdo olalihiisii.

Arrimaha Geeska Africa waxaa xiligan ku tartamaya Kenya iyo Itoobiya oo markii hore si hoose heshiis ugu ahaa.

Itoobiya weli waxay saamayn xoog badan ku leedahay Urur Goboleedka IGAD.